Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Xuska 1-da Luulyo

0

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabadda weyn ee xuska 66-guurada ka soo wareegtay maalinta 1-da Luulyo, oo ah markii Gobollada Koonfureed ay xornimada qaateen isla markaana ay midoobeen Waqooyi iyo Koonfur, taas oo saldhig u noqotay dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

Madaxweynaha ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon, isagoo xusay lana maamuusay halyeeyadii Soomaaliyeed ee nafahooda u huray xorriyadda, midnimada iyo dowladnimada dalka.

Munaasabadda ayaa si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana lagu soo bandhigay gaarda ka ciyaar ay sameeyeen Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, kuwaas oo muujiyay diyaargarowgooda iyo awooddooda. Waxaa sidoo kale la soo bandhigay gaadiid gaashaaman, qalab ciidan oo casri ah iyo diyaarado dagaal, taas oo muujisay horumarka laga sameeyay dib u dhiska ciidamada qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da Luulyo, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, wadajirka iyo difaaca qarannimada dalka.

May be an image of one or more people and text that says "LUVEY JUULY 1960"May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here