Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kala qayb galay munaasabadda weyn ee xuska 66-guurada ka soo wareegtay maalintii dalka uu qaatay xornimada iyo midowgii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.
Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka muuqday astaamo ka tarjumaya midnimada, qarannimada iyo horumarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Kumannaan shacab ah ayaa ka qayb galay dabaaldegga, iyagoo lulayay calanka Soomaaliyeed, isla markaana muujinayay farxaddooda iyo dareenkooda waddaniyadeed ee ku aaddan munaasabadda 1-da Luulyo.
Sidoo kale, Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay dhoolatus ciidan oo si gaar ah loogu diyaariyay salaanta madaxda Qaranka, kaas oo lagu muujiyay heerka diyaar-garowga, tababarka iyo awoodda ciidamada. Bandhiggan ayaa ka tarjumayay horumarka ay ciidamada Soomaaliyeed ka sameeyeen dib-u-dhiska iyo tayeynta awooddooda, iyagoo mar kale xaqiijiyay doorkooda ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida, midnimada iyo amniga dalka. 



