Madaxweyne Xasan Sheekh oo abaal-mariyay guddigii iyo howl-wadeennadii xuska maalmaha xorriyadda

0

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu maamuusay guddigii qabanqaabada iyo howl-wadeennadii doorka muuqda ka qaatay diyaarinta iyo hirgelinta munaasabadihii lagu xusay maalmaha xorriyadda iyo midnimada dalka.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in xuska maalmaha xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya uu yahay munaasabad qaran oo dib loogu xusuusto halgankii dheeraa ee lagu hanatay gobannimada, isla markaana lagu xoojiyo waddaniyadda, midnimada shacabka iyo dadaallada lagu dhisayo dowlad xooggan oo isku filan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale bogaadiyay ciidamada ammaanka, masuuliyiinta dowladda, guddiga qabanqaabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay munaasabadihii sanadkan, isagoo ku ammaanay dadaalka iyo wada-shaqeynta ay muujiyeen.

Gabagabadii munaasabadda, Madaxweynaha ayaa guddoonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarinno lagu maamuusayo xubnaha guddiga iyo howl-wadeennadii muujiyay dadaal dheeri ah, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan adeegga ay u hayaan qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.May be an image of one or more people, newsroom and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here