Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeyb galay gunaanadka toddobaadka xorriyadda iyo midnimada

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo gunaanaday toddobaadka xorriyadda iyo midnimada, kaas oo maalmahan si weyn looga xusay guud ahaan dalka.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed sida qiimaha leh ee ay sannadkan ugu dabaaldegeen maalmaha qaranka, isagoo sheegay in xuskaasi uu dunida u diray farriin muujinaysa midnimo, wadajir iyo isku duubni.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Ciidamada Qalabka Sida doorkii ay ka qaateen sugidda amniga iyo dhoolatuskii heerka sare ahaa ee ay soo bandhigeen intii lagu guda jiray dabaaldegyada. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay bahda fanka iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed kaalintii ay ka qaateen weyneynta munaasabadaha maalmaha xorriyadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay sii xoojiyaan midnimada ummadda iyo difaaca qaranka, isaga oo uga digay inay ku kala qaybsamaan aragtiyo siyaasadeed oo wiiqi kara horumarka, dowlad-dhiska iyo wadajirka dalka.

Gabagabadii munaasabadda, waxaa shahaadooyin hawlkarnimo lagu guddoonsiiyay qaar ka mid ah hay’adaha iyo shaqsiyaadkii sida weyn uga qeyb qaatay qabanqaabada iyo hirgelinta munaasabadihii toddobaadka xorriyadda iyo dabaaldegyadii ka dhacay dalka.

May be an image of lighting, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here