Burkina Faso, Mali iyo Niger oo si rasmi ah u bilaabay ka bixitaanka Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC)

0

Ouagadougou – Dowladaha Burkina Faso, Mali iyo Niger ayaa si rasmi ah u billaabay geeddi-socodka ay uga baxayaan Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC), kaddib markii ay gudbiyeen ogeysiisyadooda rasmiga ah ee ka bixitaanka Xeerka Rome, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Golaha Dowladaha Xubnaha ka ah ICC.

 

Saddexdan dal ayaa hore bishii Sebtembar 2025 ugu dhawaaqay go’aankooda ah inay isaga baxayaan ICC, iyagoo ku eedeeyay maxkamadda inay si aan dhexdhexaad ahayn ula dhaqanto dalalka Afrika, isla markaana ay u adeegto dano ay ku tilmaameen kuwo la xiriira gumeysi cusub.

ICC, oo xarunteedu tahay magaalada The Hague ee dalka Netherlands, ayaa ah maxkamadda caalamiga ah ee qaabilsan dacwadaha la xiriira xasuuqa, dambiyada ka dhanka ah aadanaha, dambiyada dagaalka iyo dambiga gardarrada, marka waddan xubnaha ka ah uusan awoodin ama uusan doonayn inuu maxkamadeeyo eedeysanayaasha.

Sida uu dhigayo Xeerka Rome, ka bixitaanka ICC ma dhaqan galayo isla markiiba, balse wuxuu si rasmi ah u dhaqan geli doonaa hal sano kadib marka la gudbiyo ogeysiiska rasmiga ah.

Go’aankan ayaa kusoo aadaya xilli ay isbeddello siyaasadeed oo waaweyn ka socdaan gobolka Saaxil, halkaas oo Burkina Faso, Mali iyo Niger ay hore uga baxeen ururka ECOWAS, isla markaana ay sameysteen isbahaysiga cusub ee loo yaqaan Alliance of Sahel States (AES).

Mas’uuliyiinta saddexda dal ayaa ku doodaya in hay’adaha caalamiga ah aysan si caddaalad ah ula dhaqmin dalalka Afrika, halka ICC ay dhankeeda ku adkeysatay inay sii wadi doonto gudashada waajibaadkeeda iyadoo ku shaqeynaysa sharciga caalamiga ah iyo mabda’a isla xisaabtanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here