Munaasabad lagu maamuusay 66-guuradii Midowgii iyo Xorriyadda Soomaaliya oo lagu qabtay Aljeeriya

0

Aljeeriya – Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusay 66-guuradii ka soo wareegtay xorriyaddii Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ay ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii taariikhiga ahaa ee Gobollada Waqooyi iyo Koonfur, ayaa lagu qabtay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya.

 

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Beeraha iyo Kalluumeysiga Aljeeriya, Yaasiin Waliid, Agaasimaha Xiriirka Dibadda ee Wasaaradda Gaashaandhigga Aljeeriya, Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Aljeeriya, Safiirka cusub ee Aljeeriya u soo magacaawday Soomaaliya, safiirro iyo boqolaal marti sharaf ah.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Aljeeriya, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ku bogaadiyay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan sida ay u ilaaliyaan qaranimada, midnimada iyo qiimaha maalmaha xorriyadda.

Danjiraha ayaa sheegay in 1-da Luulyo ay tahay maalin astaan u ah geesinimada, halgankii gobannimo-doonka iyo midnimadii shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in munaasabaddan ay xambaarsan tahay farriin ku saabsan wadajir, isku duubni iyo ilaalinta dowladnimada Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa ku soo idlaatay jawi dabaaldeg iyo is-xogwareysi, iyadoo ka qeybgalayaashu adkeeyeen muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, iyo ilaalinta qiimaha maalmaha taariikhiga ah ee dalka.

May be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here