SoDMA iyo Hirshabeelle oo ka wada hadlay gurmadka dadka ay saameeyeen colaadda Jalalaqsi

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), oo ay wehliyaan xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta gurmadka degdegga ah iyo isku-dubbaridka gargaarka bani’aadannimo ee la gaarsiinayo shacabka ay saameeyeen dagaalladii beelaha ee ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa caddeeyay in Hay’addu ay ka go’an tahay in si degdeg ah looga jawaabo xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhasha colaadaha iyo masiibooyinka, isagoo xusay in mudnaanta la siinayo gaarsiinta gargaar degdeg ah dadka ay saameeyeen dagaallada.

Dhankiisa, Hoggaamiye Ku-xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), ayaa uga mahadceliyay Hay’adda SoDMA dadaallada ay ugu jirto gurmadka shacabka Soomaaliyeed, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada si wax looga qabto xaaladaha bani’aadannimo.May be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here