Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Naadiya Maxamed, Duqa Magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota, dalka Mareykanka, oo booqasho ku timid Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay Naadiya Maxamed guulaha ay ka gaartay hoggaaminta iyo ka qaybgalka siyaasadda dalka Mareykanka, isagoo sheegay in guulaheeda ay ka tarjumayaan kartida, dadaalka iyo kaalinta muuqata ee ay bulshada Soomaaliyeed ku leeyihiin horumarka dalalka ay ku nool yihiin.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku boorriyay Duqa Magaalada St. Louis Park inay sii xoojiso doorkeeda ku aaddan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, isla markaana ay dhiirrigeliso kaalinta qurba-joogta Soomaaliyeed ee dib-u-dhiska dalka, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta maalgashiga.
Dhankeeda, Naadiya Maxamed ayaa uga mahadcelisay Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay, iyadoo caddeysay inay ka go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyo taageeridda dadaallada lagu horumarinayo Soomaaliya.
Waxay sidoo kale sheegtay inay aad ula dhacday isbeddelka dhanka amniga iyo horumarka ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo tilmaantay in horumarkaasi uu muujinayo dadaallada dib-u-dhiska iyo xasillinta caasimadda Soomaaliya.





