Musharraxa Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Kulamo Kula Qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed

0

Baydhabo – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna musharrax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Baydhabo kulan muhiim ah kula yeeshay odayaasha dhaqanka, malaaqyada iyo culimada deegaanka.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka ay odayaasha dhaqanka, malaaqyada iyo culimadu ku leeyihiin xoojinta dowlad-dhiska, nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta bulshada. Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa uga mahadceliyay odayaasha dhaqanka, malaaqyada iyo culimada kaalinta ay ka qaateen sugidda amniga, xasilloonida iyo horumarinta dowladnimada, isagoo ku boorriyay inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu adkeynayo midnimada bulshada, nabadda iyo danta guud ee qaranka.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka, malaaqyada iyo culimada ayaa uga mahadceliyay Wasiirka booqashadiisa iyo wada-tashiga uu la yeeshay, iyagoo ku ammaanay dadaalladiisa ku aaddan u adeegidda shacabka iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

Kulamadan ayaa kusoo beegmaya xilli uu Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ka wado magaalada Baydhabo kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo qaybaha bulshada iyo madaxda deegaanka, iyadoo lagu wado inuu ka qeyb galo munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here