Dowladda iyo Mucaaradka oo Wada-hadallo Ka Yeeshay Hannaanka Doorashooyinka

0

Muqdisho – Magaalada Muqdisho waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday kulamo u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo garabyada mucaaradka, kuwaas oo diiradda lagu saaray sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka.

 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo hoggaaminayay wafdiga dowladda ee wada-hadallada, ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan kulamada, isagoo sheegay in doodaha ugu muhiimsan ay ku saabsanaayeen sidii loo gaari lahaa heshiis loo dhan yahay oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka.

Mudane Saalax ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay sii wadista wada-hadallada iyo in la helo is-afgarad ku dhisan wadatashi, kaas oo saldhig u noqon kara geeddi-socod doorasho oo hufan, loo dhan yahay, isla markaana dalka ka hirgala.

Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida siyaasadeed iyo isfahamka u dhexeeya dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, iyadoo la filayo in wada-hadalladu sii socdaan si loo gaaro heshiis ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo jihada geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here