Garabka Farmaajo oo Soo Bandhigay Aragtidiisa Hannaanka Doorashooyinka Dalka

0

Muqdisho – Guddiga Farsamada ee garabka Nabad iyo Nolol, oo matalaya madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kana qeyb galaya wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho ku soo bandhigay aragtidooda ku aaddan hannaanka doorashooyinka dalka.

 

Mas’uuliyiinta guddiga ayaa faahfaahin ka bixiyay nooca doorasho ee ay soo jeediyeen, iyagoo sheegay in hindisahoodu uu salka ku hayo hannaan doorasho oo loo dhan yahay, isla markaana lagu gaari karo is-afgarad siyaasadeed oo u dhexeeya dhinacyada ay khusayso. Waxay sheegeen in soo jeedintooda lagu gudbiyay miiska wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka, iyagoo xusay inay muhiim tahay in heshiis laga gaaro hannaanka doorashada si looga gudbo khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

Guddiga Farsamada ee Nabad iyo Nolol ayaa sidoo kale adkeeyay in wada-hadallada socda ay yihiin fursad lagu gaari karo isfaham siyaasadeed oo horseeda doorasho lagu wada qanacsan yahay, islamarkaana xoojin karta xasilloonida iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda ee dalka. Wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa weli ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo dhinacyadu ay ka doodayaan hannaanka doorashooyinka iyo arrimaha kale ee la xiriira geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

DAAWO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here