Taliyeyaasha Ciidamada Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Milatari

0

Rome, Talyaaniga – Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kulan istiraatiiji ah kula yeeshay Taliyaha Taliska Ciidamada Gaarka ah ee Talyaaniga (ITA SOCOM), Admiral Paolo Pezzutti.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan horumarinta awoodaha Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kor u qaadista tayada tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha iyo dardargelinta taageerada lagu kobcinayo awoodaha hawlgal ee ciidanka.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo iskaashiga istiraatiijiga ah iyo dadaallada lagu dhisayo Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed si ay u noqdaan ciidan xirfad leh, isku filan, isla markaana awood u leh fulinta hawlgallada gaarka ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo difaaca qaranka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqeynta joogtada ah iyo hirgelinta tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo awoodaha Ciidanka Gaarka ah ee XDS, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.

May be an image of one or more people, newsroom and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here