Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo kulan la yeeshay Duqa Magaalada Seattle

0

Seattle, Mareykanka – Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), ayaa kulan wax ku ool ah kula yeeshay xafiiskeeda Duqa Magaalada Seattle, Mayor Katie B. Wilson, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka u dhexeeya labada dhinac.

 

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo dan wadaag ah, iyadoo la isla meel dhigay sidii loo ballaarin lahaa wada-shaqeynta iyo iskaashiga dhinacyada horumarinta hay’adaha iyo kobcinta xiriirka u dhexeeya Dekedda Muqdisho iyo hay’adaha magaalada Seattle.

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho ayaa uga mahadceliyay Duqa Magaalada Seattle hoggaankeeda iyo taageerada joogtada ah ee ay siiso bulshooyinka Bariga Afrika, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaas.

Sidoo kale, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa uga mahadceliyay soo dhoweyntii diirraneyd ee loo fidiyay, isaga oo muujiyay rajada laga qabo in xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac uu sii xoogaysto, si loo xaqiijiyo himilooyinka iyo danaha ay wadaagaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here