Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyay wada-hadallada u socda dowladda Federaalka iyo saamileyda siyaasadda, isagoo ku tilmaamay kuwo muhiim u ah horumarka dalka, midnimada shacabka iyo xasilloonida Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada doonaya inay hoggaamiyaan shacabka Soomaaliyeed inay dowladda kala shaqeeyaan ciribtirka Al-Shabaab iyo adkeynta midnimada qaranka. Xamsa Cabdi Barre ayaa hadalladan ka jeediyay munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho oo lagu maamuusayay qalin-jabinta dufcaddii koowaad ee heerka Master-ka ee Dacwadda iyo Garsoorka, kuwaas oo noqday ardaydii ugu horreysay ee ka qalin-jabisa Machadka Sare ee Arrimaha Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo u diray ardayda qalin-jabisay, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo heerka tacliimeed ee ay gaareen. Waxa uu ku boorriyay inay aqoontooda u adeegsadaan ilaalinta caddaaladda, ku dhaqanka sharciga iyo u adeegidda bulshada Soomaaliyeed si daacadnimo iyo hufnaan leh.
Sidoo kale, wuxuu xusay in culimada iyo aqoonyahannada bartay culuumta Islaamka ay door muhiim ah ku leeyihiin ilaalinta caqiidada saxda ah iyo Sunnada Nebiga (NNKH), isagoo sheegay inay yihiin kuwo bulshada u horseeda midnimo, rajo iyo toosin. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay dejisay siyaasad qaran oo lagu nidaaminayo barashada culuumta shareecada, iyadoo lagu saleynayo caqiidada saxda ah, isla markaana la mideeyay manhajyada dugsiyada lagu barto cilmiga dacwadda.
Ugu dambeyn, Xamsa Cabdi Barre ayaa mar kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada-hadallada u socda dowladda iyo saamileyda siyaasadda, isagoo sheegay inay fure u yihiin xoojinta dowladnimada, nabadda iyo horumarka Soomaaliya.


![Nabadoonka Beesha Aadan Warsame ee Xawaadle oo lagu doortay Muqdisho [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/07/yaab-150x150.png)
