Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Türkiye

0

Ankara – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa magaalada Ankara kulan kula yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Türkiye, Danjire Musa Kulaklıkaya.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee muddada dheer u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga, maalgashiga, amniga, waxbarashada iyo horumarinta.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha gobolka, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta dadaallada lagu horumarinayo nabadda, xasilloonida iyo horumar waara.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa uga mahadceliyay Dowladda Türkiye taageerada joogtada ah ee ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta iyo dhismaha hay’adaha dowladda. Gabagabadii kulanka, labada dhinac ayaa dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye, si loo kobciyo danaha wadajirka ah loogana faa’iideeyo shacabka labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here