Nabadoonka Beesha Aadan Warsame ee Xawaadle oo lagu doortay Muqdisho [Sawirro]

0

MUQDISHO — Munaasabad lagu soo bandhigay Nabadoonka Beesha Aadan Warsame ee Beelweynta Xawaadle ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka soo qeyb galeen waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee beesha.

 

Intii ay socotay munaasabadda, waxgaradka beesha ayaa isku raacay in Nabadoonka Muqdisho ee Beesha Aadan Warsame uu noqdo Nabadoon Maxamed Xasan Cabdi.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay odayaal dhaqameed, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo muujiyay taageeradooda ku aaddan hoggaanka cusub ee dhaqanka.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabadda caleemo-saarka Nabadoonka, iyadoo qabanqaabada xaflad ballaaran ay ka socoto caasimadda.

Nabadoonnada iyo odayaasha dhaqanka ayaa door muhiim ah ku leh xallinta khilaafaadka, ilaalinta dhaqanka iyo matalaadda beelaha ee arrimaha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here