Ciidamada Suudaan oo la wareegay magaalada Bara iyo deegaanno kale oo muhiim ah

0

Khartuum – Mas’uuliyiin ka tirsan Suudaan ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa xulafada la ah ay la wareegeen magaalada Bara iyo saddex deegaan oo kale oo ku yaalla gobolka Waqooyiga Kordofan, kadib hawlgallo militari oo ka dhan ahaa Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF).

 

Guddoomiyaha gobolka Daarfur, Minni Arko Minnawi, ayaa sheegay in ciidamada qaranka, ciidamada wadajirka ah iyo kooxaha iska-caabbinta shacabka ay gacanta ku dhigeen magaalooyinka Bara, Umm Garfa, Umm Sayala iyo Jabra Al-Sheikh, isagoo xusay in guushaasi ay ka dhalatay hawlgallo si qorsheysan loo fuliyay.

Minnawi ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay RSF gaarsiiyeen khasaare culus oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur gaadiid iyo qalab ciidan, isagoo carrabka ku adkeeyay in guulahaasi ay yihiin bilowga wejigii cusub ee howlgalka militari.

“Waxa maanta la gaaray ma aha dhammaadka dagaalka, balse waa bilowga waji cusub oo tallaabooyin go’aan leh,” ayuu yiri Minnawi. Ilo militari ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Suudaan ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Umm Sayala, oo u dhow magaalada Bara, kadib dagaallo culus oo dhex maray iyaga iyo ciidamada RSF.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay askar ku dhawaaqaya inay qabsadeen Umm Sayala, iyadoo goobta lagu arkayay gaadiid dagaal oo la sheegay inay lahaayeen RSF oo la burburiyay. Si kastaba ha ahaatee, wararkaasi weli si madax-bannaan looma xaqiijin. Illaa hadda, Ciidamada Suudaan iyo RSF midkoodna ma soo saarin war rasmi ah oo xaqiijinaya ama beeninaya sheegashooyinka ku saabsan qabsashada magaalooyinkan.

Horumarkan ayaa imanaya maalin kadib markii dowladda Suudaan ay sheegtay in ciidamada qaranku ay dib ula wareegeen deegaanka Burbur, oo ku yaalla koonfurta magaalada El-Obeid, halkaas oo weerar ay RSF ku qaaday uu sababay dhimashada ugu yaraan 15 qof oo rayid ah iyo dhaawaca 7 kale.

Gobolka Waqooyiga Kordofan ayaa bilihii u dambeeyay noqday goob ay ka socdaan dagaallo culus, iyadoo RSF ay weerarro isdaba joog ah oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ku beegsanaysay magaalada El-Obeid, gaar ahaan xarumaha korontada, keydadka shidaalka iyo kaabeyaasha rayidka.

Dagaalka u dhexeeya Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan iyo RSF ayaa socday tan iyo Abriil 2023, waxaana uu sababay dhimashada tobannaan kun oo qof iyo barakaca ku dhowaad 13 milyan oo ruux, iyadoo Qaramada Midoobay ay ku tilmaantay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ugu daran dunida maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here