IOM oo Soomaaliya ka billowday barnaamij saddex sano ah oo lagula dagaallamayo tahriibinta iyo dambiyada ka gudba xuduudaha

0

Muqdisho – Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka Adduunka (IOM) ayaa daahfurtay barnaamij goboleed oo socon doona muddo saddex sano ah, kaas oo looga golleeyahay in lagu xoojiyo la-dagaallanka tahriibinta muhaajiriinta, isticmaalka dukumeentiyada safarka ee been abuurka ah iyo dambiyada abaabulan ee ka gudba xuduudaha dalalka Geeska Afrika.

 

Barnaamijka ayaa laga hirgelin doonaa Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta amniga xuduudaha iyo garoomada diyaaradaha, horumarinta hababka lagu ogaanayo dukumeentiyada safarka ee been abuurka ah, sare u qaadidda wadaagga xogta sirdoonka, iyo kobcinta awoodda hay’adaha amniga ee saddexda dal.

IOM ayaa sheegtay in mashruucan uu sidoo kale gacan ka geysan doono ilaalinta xuquuqda muhaajiriinta iyo la-dagaallanka shabakadaha ka ganacsada dadka, kuwaas oo ka faa’iideysta dadka u nugul tahriibka iyo socdaalka sharci darrada ah.

Hay’addu waxay xustay in iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya uu muhiim u yahay xakameynta dambiyada ka gudba xuduudaha, maadaama saddexdan dal ay yihiin marinno ay si joogto ah u isticmaalaan tahriibayaasha iyo kooxaha abaabulan ee ka shaqeeya ka ganacsiga dadka.

Barnaamijkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan safarrada tahriibka ee ka baxa Geeska Afrika, kuwaas oo sababay in kumannaan qof ay sanad kasta la kulmaan khataro ay ka mid yihiin afduub, tacaddiyo, tahriib sharci darro ah iyo dhimasho ka dhacda saxaraha iyo badaha. IOM ayaa sheegtay inay sii wadayso la shaqeynta dowladaha gobolka si loo dhiso hannaan amni oo wax ku ool ah, loona xoojiyo awoodda hay’adaha fulinta sharciga, iyadoo ujeeddadu tahay in la yareeyo tahriibka iyo dambiyada abaabulan ee ka gudba xuduudaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here