Burcad-badeedda Soomaalida oo dib u soo laba kacleysay, colaadda Mareykanka iyo Iiraan oo saameyn ku yeelatay amniga badda

0

Muqdisho – Burcad-badeedda Soomaalida ayaa mar kale sare u qaaday weerarrada ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga ee mara biyaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed, iyadoo warbixinno caalami ah ay sheegayaan in colaadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan ay si dadban u abuurtay fursad ay kooxahan dib ugu xoogaystaan.

 

Warbixin uu daabacay The Telegraph ayaa sheegtay in burcad-badeeddu ay hadda adeegsanayaan xeeladdii hore ee loo yaqaan “markabka hooyada” (Mother Ship), taas oo u oggolaanaysa inay weerarro ka fuliyaan meelo ka fog xeebaha Soomaaliya. Xeeladdan ayaa ahayd mid si weyn loo adeegsaday xilligii ugu xoogga badnaa burcad-badeedda intii u dhexeysay 2008 illaa 2012.

Kooxaha burcad-badeedda ayaa la sheegay inay markabka xamuulka qaada ee MV Sward, oo ay afduubteen bishii Abriil, u beddeleen saldhig ay ka abaabulaan weerarro cusub. Iyagoo adeegsanaya markabkan, ayay 16-kii Luulyo afduubteen laba doon oo kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan.

Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegay in toddobaadkii la soo dhaafay ugu yaraan lix markab oo la afduubtay lagu hayay xeebaha gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin MV Sward, MT Asana, Honour 25, MT Eureka, iyo labada doon ee kalluumeysiga ee Iiraan. Inkastoo labada doon ee Iiraan la sii daayay kaddib markii la bixiyay madaxfurasho la sheegay inay gaareysay $20,000 midkiiba, haddana maraakiib kale ayaa weli gacanta ugu jira burcad-badeedda.

Warbixintu waxay xustay in dib u soo laabashada burcad-badeedda ay qayb ahaan la xiriirto isbeddelka ku yimid howlgalada ciidamada caalamiga ah ee badda. Maraakiib badan oo ciidan ayaa loo wareejiyay Badda Cas iyo Gacanka Carabta si ay uga jawaabaan xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan iyo weerarrada ay Xuutiyiintu ku hayaan maraakiibta ganacsiga.

Arrintan ayaa keentay in roondooyinkii joogtada ahaa ee xeebaha Soomaaliya ay yaraadaan, taasoo burcad-badeedda siisay fursad ay dib ugu abaabulaan weerarro cusub. Sidoo kale, warbixintu waxay tilmaamaysaa in kooxaha burcad-badeedda ay weli taageero ka helayaan qaar ka mid ah beelaha ku nool deegaannada xeebaha Puntland, arrintaas oo adkeyneysa dadaallada lagu soo afjarayo falalka afduubka iyo in dambiilayaasha sharciga la horkeeno.

Magaalooyinka xeebaha ee gobolka Mudug, gaar ahaan deegaannada u dhow Garacad, Kulule iyo Ceel-Dhanaane, ayaa lagu tilmaamay xarumaha ugu waaweyn ee ay ka hawlgalaan kooxaha burcad-badeedda.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha burcad-badeedda la xiray kaddib afduubkii MV Sward, balse rag hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhig booliis oo ku yaalla Garacad si ay u soo furtaan. Weerarkaas ayaa sababay dhimashada hal askari oo booliis ah iyo dhaawaca mid kale, iyadoo eedeysanaha markii dambe loo wareejiyay magaalada Garoowe sababo amni dartood.

Khubarada amniga badda ayaa ka digaya in haddii aan dib loo xoojin ciidamada ilaalada badda ee caalamiga ah iyo wada-shaqeynta dowladaha gobolka, ay burcad-badeeddu dib ugu laaban karto heerarkii halista ahaa ee ay gaartay tobankii sano ee la soo dhaafay.

Dhanka kale, kalluumeysatada Soomaaliyeed ayaa muddo dheer cabasho ka muujinayay kalluumeysiga sharci darrada ah ee maraakiibta shisheeye, gaar ahaan kuwa ka yimaada Iiraan, Yemen, Pakistan, Hindiya, Thailand iyo Shiinaha. Khubaradu waxay aaminsan yihiin in xaaladdaas dhaqaale iyo ilaalin la’aanta xeebaha ay ka mid yihiin sababaha sii hurinaya dib u soo noqoshada burcad-badeedda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here