Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya Shirweynaha Baarlamaanka Afrika

0

Midrand, Koonfur Afrika – Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Baarlamaanka Afrika (Pan-African Parliament), oo ka socda magaalada Midrand ee dalka Koonfur Afrika.

 

Shirka ayaa waxaa isugu yimid xildhibaanno ka kala socda baarlamaannada dalalka Afrika, iyadoo sanadkan uu ku socdo halku-dhigga “Xaqiijinta Helitaanka Biyo Waara iyo Nidaamyo Fayadhowr oo Ammaan ah si loo gaaro Himilooyinka Ajendaha 2063. Inta uu shirku socdo, mudanayaasha Afrika ayaa ka doodaya arrimo muhiim u ah horumarka qaaradda, oo ay ka  mid yihiin amniga iyo nabadda, dimuqraadiyadda, dowlad-wanaagga, isdhexgalka dalalka Afrika, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga baarlamaannada si loo hirgeliyo yoolalka horumarineed ee Midowga Afrika.

Wafdiga Soomaaliya ee ka qeyb galaya shirkan waxaa garab socda mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, oo uu hoggaaminayo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas, Danjire Aadan Isaaq, iyo diblomaasiyiin kale oo safaaradda ka tirsan.

Shirweynaha Baarlamaanka Afrika ayaa la filayaa inuu soo saaro talooyin iyo go’aanno lagu xoojinayo doorka baarlamaannada Afrika ee horumarinta sharciyada, kor u qaadidda wada-shaqeynta qaaradda iyo dardargelinta hirgelinta Ajendaha 2063 ee Midowga Afrika.May be an image of one or more people and text that says "NISIA SOMALIA SIAMA"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here