Kampala, Uganda – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, halkaas oo uu kulan laba geesood ah oo miro dhal ah kula yeeshay Madaxweynaha Uganda, Mudane Yoweri Kaguta Museveni.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, horumarinta hay’adaha dowladda iyo iskaashiga gobolka ee lagu xaqiijinayo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda Geeska Afrika.
Waxay sidoo kale is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan Shir-madaxeedka dalalka ciidamadoodu ka qeyb qaataan Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo la filayo inuu ka furmo magaalada Kampala, iyadoo shirkan lagu wado in looga arrinsado mustaqbalka hawlgalka, taageerada amniga Soomaaliya iyo geeddi-socodka wareejinta mas’uuliyadda amniga.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayso caqabado is biirsaday oo dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha ah. Dhinaca amniga, dowladda ayaa dadaal ugu jirta dardargelinta howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, halka mustaqbalka hawlgalka AUSSOM iyo qaabka uu u sii socon doono ay ka mid yihiin arrimaha ugu waaweyn ee horyaalla dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah.
Dhanka kale, dalka waxaa ka taagan muran siyaasadeed oo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo dib-u-habeynta dastuurka, iyadoo khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dhinacyada siyaasadda ay weli saameyn ku leeyihiin dadaallada lagu xoojinayo midnimada siyaasadeed iyo dhismaha dowladnimada.
Sidoo kale, Soomaaliya waxay weli wajahaysaa cadaadis dhaqaale iyo baahida loo qabo maalgelin joogto ah oo lagu taageero ciidamada, adeegyada dowladda iyo mashaariicda horumarinta, xilli ay sii kordhayaan doodaha ku saabsan maalgelinta iyo mustaqbalka hawlgalka AUSSOM.
Sidaas darteed, kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa yeelanaya muhiimad gaar ah, maadaama Uganda ay tahay dalka ugu weyn ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya isla markaana martigelinaya shirka lagu go’aaminayo jihada mustaqbalka ee howlgalka AUSSOM, xilli Soomaaliya ay u baahan tahay taageero diblomaasiyadeed, mid amni iyo mid dhaqaale si looga gudbo caqabadaha horyaalla.




