Khartoum – Dhowr qof ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen kadib markii gantaallo ay ku dhaceen xeryaha qaxootiga ee ku yaalla xadka u dhexeeya Suudaan iyo Itoobiya, xilli ay halkaasi ka socdeen dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda Itoobiya iyo dagaalyahanno ka tirsan gobolka Tigray.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suudaan ayaa sheegtay in iskahorimaadyada oo billowday Sabtidii ay sababeen in madaafiic ay ku dhacdo dhowr xero oo ay ku nool yihiin qaxooti Itoobiyaan ah, taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka rayidka ah.
Wasaaraddu waxay muujisay walaac xooggan oo ay ka qabto sii xumaanaya xaaladda amni ee xadka, iyadoo ka digtay in dagaalladu ay sababi karaan qulqul cusub oo qaxooti ah iyo inay sii kordhiyaan xaaladda bani’aadamnimo ee gobolka.
Guddiga Qaxootiga ee Suudaan ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo xaaladda, wuxuuna ugu baaqay Qaramada Midoobay, ururrada samafalka iyo beesha caalamka inay kordhiyaan dadaallada lagu ilaalinayo qaxootiga isla markaana si degdeg ah loo gaarsiiyo gargaar bani’aadamnimo dadka ay colaaddu saameysay.
Dhanka kale, warbaahinta Itoobiya ayaa sheegtay in dagaallo culus ay dib uga qarxeen gobolka Tigray, kuwaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo dagaalyahanno ka tirsan Tigray. Waxaa la sheegay in tani ay tahay iskahorimaadkii ugu weynaa tan iyo markii labada dhinac ay kala saxiixdeen heshiiskii nabadda ee Pretoria bishii Nofeembar 2022, kaas oo lagu soo afjaray dagaalkii dhiigga badnaa ee gobolka.
Khubarada ayaa ka digaya in dib u soo laabashada dagaallada Tigray ay halis gelin karto heshiiskii nabadda, isla markaana ay sii xumeyn karto xaaladda amni iyo tan bani’aadamnimo ee ka jirta xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan.




