Shabeellaha Hoose – Ururka 164-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyin ku xeeran deegaanka Basro ee u dhexeeya gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka ayaa lagu beegsaday goobo iyo fariisimo ay kooxda Al-Shabaab u adeegsan jirtay gabaad iyo isku abaabul, iyadoo ciidamada ay ka sameeyeen deegaannadaasi howlgallo lagu xaqiijinayo amniga iyo lagu wiiqayo dhaqdhaqaaqyada kooxda.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab iyo sugidda amniga deegaannada ay ciidamada ka howlgalaan.
Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa sii wada howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu burburinayo fariisimada kooxda isla markaana lagu xoojinayo amniga shacabka.




