Dagaal ka socda Bariga Gaalkacyo oo sababay barakac iyo walaac amni

0

Gaalkacyo – Dagaal culus ayaa saaka ka qarxay Bariga magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay ku dagaallamayaan ciidamada Dowladda Puntland iyo ciidamada PSF ee la sheegay inay taageero ka helayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Iska horimaadka ayaa la isku adeegsanayaa hub culus, oo ay ku jiraan madaafiicda hoobiyaha.

 

Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in madaafiicda iyo rasaasta xooggan ay sababtay barakac ballaaran oo ay sameeyeen dadkii deggenaa xaafadaha ku dhow goobaha lagu dagaallamayo, iyadoo qoysas badan ay u qaxeen meelo ammaan ah. Waxaa sidoo kale jira walaac laga qabo in dagaalku ku fido xaafado kale oo magaalada ka tirsan.

Dagaalkan ayaa yimid maalin kadib iska horimaad ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo oo ka tirsan maamulka Galmudug, halkaas oo ay ku dagaallameen ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan. Wararka ayaa sheegaya in xiisaddaasi ay ka dhalatay muran la xiriiray hub la sheegay in loo waday dhinaca Waqooyi ee magaalada.

Dhanka kale, Dowladda Puntland ayaa xalay soo saartay war-saxaafadeed ay si kulul ugu eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay faragelin ku hayso arrimaha Puntland isla markaana ay hurinayso colaadda ka taagan gobolka Mudug. Puntland ayaa sidoo kale ka digtay waxa ay ku tilmaantay isku dayo lagu wiiqayo amniga iyo xasilloonida maamulka.

Illaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan dagaalka ka socda Bariga Gaalkacyo, mana jiro war la xaqiijiyay oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska horimaadyada.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed iyo kan amni ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland, iyadoo xaaladda Gaalkacyo laga muujinayo walaac xooggan maadaama ay saameyn ku yeelan karto ammaanka magaalada iyo xaaladda bani’aadannimo ee shacabka rayidka ah.

May be an illustration of slow loris, map and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here