Jabuuti oo Bogaadisay Dadaallada Soomaaliya ee Sugidda Amniga iyo La-dagaallanka Al-Shabaab

0

Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Jabuuti, General Zakaria Sheikh Ibrahim, iyo saraakiil sare oo la socday.

 

Wafdiga Jabuuti ayaa Muqdisho u yimid ka qaybgalka Shirka Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalka ka qaybta ka ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga amniga, isku-dubbaridka hawlgallada, iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay xoojinta wada-shaqeynta ciidamada Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo la adkeeyay muhiimadda iskaashiga dhow ee labada dal ay ka leeyihiin la-dagaallanka Al-Shabaab iyo kor u qaadista amniga gobolka.

Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Jabuuti, General Zakaria Sheikh Ibrahim, ayaa bogaadiyay dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku bixinayaan sugidda amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Wuxuu sidoo kale caddeeyay in Jabuuti ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya si loo xoojiyo nabadda, xasilloonida iyo amniga gobolka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo iskaashiga militari iyo xiriirka difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo labada dhinac ay isla garteen in la sii dardargeliyo hawlgallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada.May be an image of one or more peopleMay be an image of dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here