Baarlamaanka Uganda oo ansixiyay in ciidamo loo diro Gaza

0

Kambala – Baarlamaanka Uganda ayaa Khamiistii ansixiyay mooshin u oggolaanaya dowladda Uganda inay ciidamo u dirto Gaza, si ay uga qayb qaataan Ciidanka Xasilinta Caalamiga ah (ISF). Wasiirka Difaaca iyo Arrimaha Halyeeyada Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa baarlamaanka horgeeyay mooshinka, kaas oo lagu oggolaanayo in ciidamada Uganda (UPDF) loo diro Gaza, kadib casuumaad ka timid dowladda Mareykanka.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in Uganda ay leedahay ciidan leh awood iyo khibrad dhinaca hawlgallada nabad ilaalinta ah, isagoo tusaale u soo qaatay kaalinta ciidamada Uganda ay ka qaateen howlgallada Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe iyo hawlgallada Qaramada Midoobay.

Go’aanka baarlamaanka Uganda ayaa kusoo beegmaya xilli Israa’iil ay oggolaatay gelitaanka xaddidan ee ciidamo ka socda dalal ay u aragto kuwo saaxiib la ah, si ay qayb uga noqdaan qorshaha amniga Gaza. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah xildhibaannada Uganda ayaa walaac ka muujiyay tallaabadan, gaar ahaan dhinaca diblomaasiyadda iyo mowqifka Uganda ee dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin.

Xildhibaan Hassan Kirumira ayaa su’aal geliyay cidda ay ciidamada Uganda garab istaagi doonaan haddii ay Gaza tagaan, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in dowladda si cad u qeexdo mowqifkeeda. Waxaa sidoo kale walaac laga muujiyay dhexdhexaadnimada Uganda, iyadoo ay jiraan hadallo hore oo ka soo baxay saraakiil sare oo ciidamada Uganda ah oo lagu fasiray inay taageerayaan Israa’iil.

Dhanka kale, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa hore u adkeeyay in joogitaan kasta oo caalami ah oo Gaza laga sameeyo uu qayb ka noqdo geeddi-socod siyaasadeed oo horseedaya dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, kuna saleysan xuduudihii ka horreeyay 1967. Go’aanka Uganda ayaa sidaas darteed yeelan kara saameyn siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed, maadaama Kampala ay hore door muuqda uga qaadatay hawlgallada nabad ilaalinta ee qaaradda Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here