ISLAMABAD – Taliyaha Ciidamada Pakistan, General Asim Munir, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, kaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga ee labada dal. Wasiir Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqday xarunta Taliska Guud ee Ciidamada Pakistan ee magaalada Rawalpindi, iyadoo kulamada diiradda lagu saaray xaaladda amni ee Geeska Afrika, iskaashiga milatari iyo sidii loo horumarin lahaa awoodda Ciidanka Soomaaliya.
General Asim Munir ayaa sheegay in Pakistan ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha iyo tayeynta hay’adaha amniga, tababarrada ciidamada iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida.
Taageeradan ayaa kusoo beegmaysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay isku diyaarinayso inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo ciidamada Soomaaliya loo baahan yahay in la xoojiyo, lana kordhiyo awooddooda hawlgaleed. Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Pakistan taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka difaaca ee labada dal.
Wasiirku wuxuu sidoo kale kulamo la yeeshay Taliyaha Ciidanka Badda Pakistan, Admiral Naveed Ashraf, iyo Taliyaha Ciidanka Cirka, Zaheer Ahmed. Kulamadaas ayaa looga hadlay tababarrada ciidamada, iskaashiga difaaca, amniga badda iyo dhisidda awoodda hay’adaha amniga Soomaaliya. Saraakiisha Pakistan ayaa xaqiijiyay inay sii wadi doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga difaaca ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo kobcinta awoodda ciidamada.
Booqashada wafdiga Soomaaliya ayaa kusoo beegmaysa xilli labada dal ay sii xoojinayaan iskaashigooda amni, iyadoo horey loo qorsheeyay iskaashi dhinacyada tababarrada ciidamada, maareynta xuduudaha, gurmadka musiibooyinka iyo la dagaallanka Al-Shabaab.




