Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay iyo UNICEF

0

Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la yeeshay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada, Mudane George Conway, iyo Wakiilka UNICEF u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Sandra Lattouf.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga, Qaramada Midoobay iyo UNICEF ee ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha hubeysan, iyadoo qayb ka ah hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Dadka Rayidka ah.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii loo dhisi lahaa hannaan isku-duwan oo lagu soo tebiyo, lagu diiwaangeliyo, lagulana socdo eedeymaha la xiriira xadgudubyada, iyo sidii loo xaqiijin lahaa in jawaabaha iyo tallaabooyinka Dowladda Soomaaliya si sax ah loogu muujiyo warbixinnada Qaramada Midoobay.

Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale ka wada hadleen dardargelinta Qorshe-hawleedka Qaran ee Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan. Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay horumar ka sameeyeen ilaalinta dadka rayidka ah, gaar ahaan carruurta, isagoo xusay in ciidamada ay u howlgalaan si waafaqsan siyaasadaha qaranka iyo waajibaadka caalamiga ah ee khuseeya ilaalinta dadka rayidka ah.

Wasiirka ayaa Qaramada Midoobay iyo UNICEF uga mahadceliyey iskaashiga iyo taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, isagoo sidoo kale xaqiijiyey in Wasaaradda Gaashaandhiggu ay ka go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha ay khuseyso, si loo sii adkeeyo ilaalinta carruurta iyo dadka rayidka ah ee ay saameeyeen colaadaha hubeysan.

May be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, television and newsroom

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here