Safiirrada Soomaaliya iyo Pakistan ee Jabuuti oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo nabadda gobolka

0

Jabuuti  – Safiirka Jamhuuriyadda Pakistan u fadhiya Jabuuti, Danjire Aqsa Nawaz, ayaa kulan la yeelatay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jabuuti, Danjire Axmed Cabdullaahi, iyo Qunsulka Arrimaha Siyaasadda iyo Ururka IGAD, Mudane Axmed Khayre.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii looga faa’iidaysan lahaa xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan, iyo xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada nabadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira gobolka Geeska Afrika, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya iyo Pakistan ay si wadajir ah uga shaqeeyaan arrimaha la xiriira xasilloonida gobolka, iyadoo laga faa’iidaysanayo xiriirka diblomaasiyadeed ee wanaagsan ee ka dhexeeya labada dowladood.May be an image of newsroom and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here