Muqdisho – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xarigga ka jaray Dugsiga Sheekh Cismaan Xiddig oo laga hirgeliyay degmada Gubadley.
Dugsigan oo ah dugsi hoose iyo dhexe ayaa si gaar ah loogu talagalay gabdhaha, waxaana munaasabadda xarig-jarka ka hadlay Guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen, isagoo sheegay in hirgelinta dugsigu ay qeyb ka tahay dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu xoojinayo adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan waxbarashada.
Duqa Muqdisho ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in gabdhaha Soomaaliyeed loo abuuro fursado waxbarasho oo tayo leh, ammaan ah, isla markaana u sahla inay gaaraan heerar sare oo waxbarasho.
Guddoomiye Muungaab ayaa sidoo kale waalidiinta ku nool degmada Gubadley iyo nawaaxigeeda ugu baaqay inay carruurtooda geeyaan goobaha waxbarashada, si loo soo saaro jiil aqoon iyo tayo leh. Wuxuu xusay in dowladda ay waxbarashada ka dhigtay lacag la’aan, taas oo uu sheegay inay muhiim u tahay dhismaha mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed.
Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cali Maxamed, Guddoomiyaha Maamulka Degmada Gubadley iyo mas’uuliyiin kale.




