Muqdisho – Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Guddoomiyeyaasha Guddiyada Golaha ayaa marka hore Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyay shuruucda ay gacanta ku hayaan iyo marxaladaha kala duwan ee ay marayaan.
Xubnaha Guddiga ayaa si qoto dheer uga dooday dardargelinta howlaha sharci-dejinta iyo sidii loo wajihi lahaa howlaha muhiimka ah ee Golaha horyaalla inta lagu guda jiro Kalfadhiga 8-aad. Intaas kaddib, Guddiga Joogtada ah ayaa ka arrinsaday oo dejiyay ajandayaasha kulamada guud ee Golaha Shacabka ee toddobaadka soo socda, kuwaas oo si wadajir ah loo ansixiyay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo kulanka soo xiray, ayaa uga mahadceliyay xubnaha Guddiga Joogtada ah doorkooda ku aaddan dejinta ajandayaasha kulamada Golaha iyo dardargelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha inta lagu jiro Kalfadhiga 8-aad.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale Guddiyada Golaha ku boorriyay inay sii wadaan gudashada waajibaadka loo igmaday, si loo xaqiijiyo in howlaha sharci-dejinta iyo kormeerka Golaha ay u socdaan si hufan oo waafaqsan waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha Shacabka.




