NAIROBI, Kenya — Wasiirka Caafimaadka ee Kenya Aden Barre Duale ayaa mar kale ku baaqay in dib loo furo xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in xirnaanshaha muddada dheer uu noqday mid aan si buuxda u shaqayn isla markaana uu dowladda ka xannibayo dakhli iyo kormeer rasmi ah.
Isagoo ka hadlayay munaasabad qalin-jabin ah oo ka dhacday madarasa ku taalla deegaanka Waberi Ward ee gobolka Garissa, Duale ayaa sheegay in inkastoo xadka si rasmi ah loo xiray, haddana dhaqdhaqaaqa dadka iyo ganacsigu uu si aan rasmi ahayn u sii socdo.
“Xadka wuxuu u abuuri lahaa dowladda dakhli wanaagsan, hay’adaha socdaalkuna waxay heli lahaayeen fursad ay si sax ah u hubiyaan dadka. Laakiin hadda waxaad leedahay xadku waa xiran yahay, balse taasi waa warqad kaliya,” ayuu yiri.
Duale ayaa sheegay inuu arrintan kala hadlay Madaxweynaha Kenya William Ruto, isagoo muujiyay rajo ah in si rasmi ah loo furi doono goobaha laga gudbo xadka.
“Waxaan rabnaa in xadka la furo, waxaanan sii wadi doonaa wadahadalka aan la leeyahay Madaxweynaha,” ayuu raaciyay.
Wuxuu sidoo kale sheegay in dib u furista xadka ay dib u soo noolayn karto dhaqaalaha gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan Garissa, isla markaana ay xoojin karto ganacsiga iyo nolol-maalmeedka bulshada deegaanka.
Duale ayaa ku dooday in sharciyeynta dhaqdhaqaaqa xadka ay kordhin karto dakhliga dowladda, hagaajin karto nidaamka socdaalka, isla markaana xoojin karto iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya.
Horaantii bishii Febraayo, Madaxweyne Ruto ayaa shaaciyay qorshe lagu doonayo in dib loogu furo xadka intii uu socdaal ku joogay Mandera, isagoo sheegay in tallaabadan ay gacan ka geysan doonto kobcinta dhaqaalaha iyo dib u mideynta bulshooyinka ay kala fogeysay xirnaanshaha dheer ee xadka.



