Muqdisho — Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda Maaliyadda kulan miro-dhal ah kula qaatay wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay.
Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa ka koobnaa Shoko Noda oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay isla markaana ah Agaasimaha Qaybta Xasaradaha, iyo Lionel Laurens oo ah Wakiilka Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP).
Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xaaladda isbeddelka dhaqaalaha, gaar ahaan saameynta ay leeyihiin abaaraha, fatahaadaha, iyo isbeddellada cimilada oo si weyn u saameeyay dhaqaalaha dalka iyo guud ahaan gobolka.
Waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta adkeysiga dhaqaalaha, horumarinta mashaariic waara, iyo sidii loo dardargelin lahaa barnaamijyada taageeraya dib-u-soo kabashada iyo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda UNDP, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda.
Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta dhaqaalaha, horumarinta adeegyada maaliyadeed, iyo kobcinta fursadaha maalgashi ee dalka.



