Aadan Barre oo ka hadlay afduubka ka billowday magaalada Nairobi

0

Xildhibaanka laga soo doorto Garisa, Aden Barre Ducaale, oo ka mid ah siyaasiyiinta billaabay in ay la kulmaan laamaha amniga, wuxuu sheegay in ay warka ku hayaan in seddax gabdhood la waayay – Labo reer Islii ah iyo mid degganeyd xaafad lagu magacaabo kayole.

“Bulshada Soomalida ahaan, waxan waa shay nagu cusub. Walaac badan ayuu na geliyay labadii maalmood ee aan soo dhaafnay”, ayuu yiri Aden Ducaale.

Muuqaal argagax leh oo lagu bahiyay baraha bulshada oo ay ka soo muuqatay mid ka mid ah gabdhahaas, waxay sheegtay in kooxda haysata ay doonayaan illaa $50-kun oo dollar oo madax-furasho ah.

Gabadha ka soo muuqatay fiidiyowga waxaa wejigeeda ku yaalla dhaawacyo xun. Da’deedana waxaa lagu sheegay 23 sano, sida uu qoray wargeyska Standard ee Kenya.

Wargeyskaas oo soo xigtay dumaashigeeda oo lagu magacaabay Cumar Ibraahim, wuxuu qoray: “Dadkii afduubtay waxay farriin noo soo qoreen Arbacadii, waxayna sheegeen in madax-furashada ay doonayaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here