Sawirro: Ciidamada Xoogga oo howl-gal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Howl-gal qorsheysan oo ay ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen degaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ayey ku dileen sarkaal la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Shabeelaha dhexe iyo 30 dagaalame.

Howl-galka oo ka dhacay tuulada Jalable ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa fuliyay kumaandooska Xoogga Dalka ee Gor-gor iyo ciidanka Daraawiishta Hirshabeelle.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Jaamac Dheere, sidoo kale tuulada Jalable waxaa lagu dhaawacay 24-kale oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Kornayl Xaashi oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii Al-Shabaab looga saari lahaa halkaasi

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay Gobolka Shabeelaha Dhexe ka waday howlgallo ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan deegaanada HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here