Abaabulka mooshin ka dhan ah C/casiis Lafta Gareen oo ka socda Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho waxaa ka billowday guux siyaasadeed iyo abaabul mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, kadib markii ay soo dhammaatay doorashadii socotay.

Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay abaabulkaas wadaan siyaasiyiin iyo xildhibaano kasoo jeedo Digil iyo Mirifle, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynaha haddii la doortay dad annaga naga mid ah Digil iyo Mirifle ka mid ah ayaa system waxay wadaan inay burburiyaan maamulka inta ka jira maamul la burburiyeyna waxa uu leeyahay waa kaseynaa dhibaatuu leeyahay,” ayuu yiri Mahad Cabdiraxmaan.

Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta ayaa sidoo kale tilmaamay in arrintan ay tahay mid la doonayo in lagu burburiyo dhismaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Maamulka Koonfur Galbeed oo jiro waqtigiisii waa dhamaadee ha is casilo meesha haka tago waxaa fiican ninka meesha haddii uu ka tegaayo marka uu waqtigiisa uu dhammeysta lee sidii kii hadda loo tartamay ayaa nidaamku ku fiican yahay” ayuu sii raaciyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here