Ingiriiska oo soo dhaweeyey isbedelka ka dhacay dalka Soomaaliya

0

LONDON (SMN) – UK ayaa soo dhaweysay soo afjarida doorashada dalka Soomaaliya oo mudo sanad dib u dhacday, taasoo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho 15-kii Bishan May, waxayna si diiran ugu hambalyeysay Xasan Sheekh Maxamuud oo kusoo baxay tartanka kursiga ugu sareeya dalka.

Waxay UK dhaliishay matalaadda haweenka ee baarlamaanka oo mar kale ka hoos ka martay 30% bartilmaameedka, balse waxay soo dhaweysay doorashada taariikhiga ah ee Sacdiya Yaasiin Xaaji oo loo doortay guddoomiye ku-xigeenka gollaha shacabka, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas sare qabata dalka Soomaaliya.

Safiirka UK ee Gollaha Amaanka James Kairuki ayaa ku baaqey in dib diiradda loo saaro arrimaha muhiimka ah ee degdegga ah sida khatarta Al-Shabaab, dhaqaalaha, dhameystirka dastuurka, iyo wax ka qabashada abaaraha ba’an.

Isagoo khudbad ka jeedinayay shirka gollaha amaanka ee looga hadlay xaaladda Soomaaliya shalay, ayaa James Kairuki xusay in Ingiriiska uu diyaar u yahay inay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh siiso taageero, waxayna ku dhiirri-gelinaysaa dhammaan madaxda Soomaaliya inay si wadajir ah uga shaqeeyaan dib-u-heshiisiin iyo wada-shaqeynta.

Dhanka amniga, waxaan uga mahadcelineynaa ATMIS taageerada amniga ay siisay inta lagu guda jiro doorashada, waxaana cambaareyneynaa isku dayga joogtada ah ee Al-Shabaab ee lagu carqaladeynayo hannaanka. Waxaa Gollaha amniga wax laga xumaado ku tilmaameen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen ciidamada Burundi saldhigooda Ceel-Baraf 3-dii May.

Wasiirka UK u qaabilsan Afrika ayaa ku dhawaaqay 31 milyan oo dheeri ah oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee Soomaaliya, taasoo in ka badan 6 milyan ay saameysay.

Waxay gollaha amaanka balan-qaadeen in ay la shaqeyno doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa si loo horumariyo nabadda, xasilloonida iyo dowlad-dhiska Soomaaliya ee mudada dheer soo socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here