Afgooye oo xalay guul ka gaartay tartanka Shabelle, una gudubtay wareega afaraad

0

MUQDISHO (SMN) – Degmada Afgooye iyo deegaanka Bargaan oo ka kala tirsan gobollada Shabeelaha Hoose iyo Galgaduud ayaa xalay ku baratamay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Afgooye oo guul gaartay ayaa heshay 14 dhibcood, halka Bargaam oo guud ahaan tartanka ka hartay ay keensatay 4 buundo, sida uu ku dhowaaqay Cabdullahi Cismaan Cadaani oo ah guddoomiyaha guddiga tartanka.

Sidoo kale waxaa caawa tartanka ku madalsan degmooyinka Marka iyo Balcad oo kala metali doono gobollada Shabeelaha Hoose iyo Galgaduud.

Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa taaba-gelinaya shirkadda isgaarsiinta Somtel oo abaal-marin guddoonsiin doonto degmooyinka gala kaalmaha 1-aad iyo 2-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here