Madaxweyne Farmaajo oo war kasoo saaray guusha Emmanuel Macron

0

PARIS (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo qoraal kooban ku daabacay bartiisa Twitterka ayaa ka hadlay doorashadii dalka Faransiiska ee uu guusha ka gaaray madaxweyne Emmanuel Macron oo markale dib loo doortay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed iyo shacabka ay ku faraxsan yihiin doorashada ka dhacday Faransiiska, isaga oo guul u rajeeyey madaxweyne Macron.

”Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waa ay ku faraxsan yihiin in madaxweyne
Emmanuel Macron dib loo doorto waxaayna u rajaynayaan guul,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray “Faransiiska iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeya iskaashi soo jireen ah”.

Macron ayaa doorashadan uga adkaaday haweeneyda xisbiga midigta fog ee Marine Le Pen wuxuuna amaanay shacabka, isaga oo boggaadiyay shanta sano ee dheeriga ah ee loo doortay inuu sii hoggaamiyo Faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here