DHUUSAMAREEB – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa ku qaabiley Xafiiska Xoghaya Guud ee Golaha iskaashiga Mihnadlayaasha caafimaadka Qaranka, Kulanka ayaa Lagaga wada Hadley isla Markaana diiradda lagu saarey qaab-dhismeedka shaqo iyo Xoojinta Iskaashiga labada Xafiis.
Intii uu kulanku socday, Xoghayaha guud ayaa Xafiiska siiyey warbixin guud oo ku saabsan habka ay u shaqeeyaan Golaha iskaashiga Mihnadlayaasha caafimaadka Qaranka, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa adkeeyey kulana dardaarmey muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn dhow iyo isku-dubarid wax-ku-ool ah oo dhex mara hay’adaha dowladda, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay inuu si dhow ula shaqeeyo hay’adaha kala duwan ee caafimaadka.
Agaasimaha Guud waxaa kormeerka ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Galmudug, Mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel), iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug.
Waxay si gaar ah u bogaadiyeen horumarka laga gaaray dhismaha cusub, iyagoo xusay in xaruntani ay door muhiim ah ka qaadan doonto tayeynta shaqada Wasaaradda, kor u qaadista hufnaanta maamulka iyo horumarinta adeegyada dowladda ee loo fidiyo bulshada Galmudug.




