Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed Oo Ansixiyey Hannaan Doorasho Cusub

0

MUQDISHO – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ansixiyey hannaan doorasho oo cusub, kaas oo looga gol leeyahay in dalka looga saaro marxaladda kala-guurka ah, loona horseedo nidaam doorasho oo xasilloon, loo dhan yahay, hufan, isla markaana leh sharciyad siyaasadeed oo lagu wada qanco.

 

War-saxaafadeed uu soo saaray Golaha ayaa lagu sheegay in go’aankan uu ku saleysan yahay tanaasul siyaasadeed iyo tixgelinta rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, si loo helo hannaan mideeya bulshada, kana qeyb qaata yareynta khilaafaadka la xiriira doorashooyinka.

Golaha ayaa xusay in hannaanka cusub ee loo bixiyay “Transitional Direct Elections Model” uu xaqiijinayo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si toos ah uga qeyb qaataan doorashada wakiilladooda, iyadoo la ilaalinayo hab-qaybsiga matalaadda ee ku dhisan qaaciddada 4.5.

Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay joogteynta geeddi-socodka doorashooyinka, si loo gaaro natiijooyin waara, sharciyad leh, isla markaana dalka uga gudbiya muddooyinka kala-guurka ee soo jiitamayay.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu carrabka ku adkeeyay in wada-hadallada siyaasadeed ay yihiin dariiqa ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafaadka doorashooyinka iyo arrimaha la xiriira maamulka marxaladda kala-guurka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhammaan saamileyda siyaasadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada inay taageeraan dadaallada lagu dhisayo hannaan doorasho oo mideeya shacabka Soomaaliyeed, kana qeyb qaata xasilloonida iyo horumarka dalka.May be an image of text that says "MUSTAQBALKA WAR SAXAAFADEED 20 June 2026 doorasho lagu Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu ummadda Soomaaliyeed dhammaan siyaasadda Dalka wargelinayaa Goluhu ansixiyey guurka Transitional Direct Elections Model) doorasho yahay, kalsooni siyaasadeed. sharciyad Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed siyaasadeed shacabka Soomaaliyeed degdeg looga heshiiyo khilaafka doorashooyinka. saldhig hammuunta tanaasul qaba Hannaankaan cusub wuxuu iswaafajinayaa xaAa muwaadiniinta Soomaaliyeed leeyihiin doortaan wakiiladooda, iyadoo ilaalinayo hab- qaybsiga matelaadda Goluhu wuxuu adkaynayaa natiijadooda horay dhamaaday, najixiyo codka joojiyo siyaasadeed. dhinaca doorashooyinka hal Madaxweynaha doorashada noqdo saldhigga Soomaaliyeed Goluhu wuxuu soo bandhigi habraacyada fulinta siyaasadeed lagu guurka siyaasadeed doonaa faahfaahinta, mabaadii'da hagaysa, fariisto wadahadallada khilaafka doorashooyinka iyo maareynta marxaladda Dalka."

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here