Agaasime Cabdirashiid “Hashiis la galo Madaxweynaha kama bilaawdo”

0

MUQDISHO (SMN) – Agaasimaha Warfaafinta ee Villa Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo la hadlay Shabelle ayaa beeniyey hadalkii kasoo yeeray wasiirka Batrolka Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed ee ku aadanaa saxiixa heshiiska shidaalka Soomaaliya ee uu wasiirku soo bandhigay.

Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa dafiray eedeynta wasiirka ee aheyd in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la ogaa heshiiska ay Soomaaliya la gashay shirkadda Coastline Exploration LTD, taasi oo 7 xirmo oo shidaal kaga soo saareyso xeebaha dalka.

“Hashiis la galo Madaxweynaha kama bilaawdo, Wasiirkana dhammaan xiriiradiisa waa uu jaray markii u dambeysay UK ayuu joogay,” ayuu yiri agaasimuhu.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here