Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo xildhibaan loo doortay + Sawirro

0

BELEDWEYNE (SMN) – La-taliyaha amniga qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Beledweyne.

Fahad Yaasiin ayaa ku soo baxay kursiga HOPP#086 ee Golaha Shacabka, wuxuuna helay 70 cod, halka musharixii la tartamayey uu helay 24 cod, sidoo kale waxaa hallaabay 3 cod.

Doorashada Fahad Yaasiin ayaa aad loo hadal hayey, kaas oo shalay ka tegay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif.

Doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda-galayaa kuraasta xigta ee isla maanta loo qorsheeyey in doorashadooda lagu qabto magaalada Beledweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here