Ajaaniib ka kalluumeysanayay xeebaha Soomaaliya oo la xukumay + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa 36 dambiile oo ajaanib ah lagana soo qabtay xeebaha dalka Soomaaliya ayagoo si sharci darro ah uga kalluumeysanaya ku ridday xukunnadii ay muteysteen.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud ayaa ku dhowaaqay xukunka kiiska loo heystay raggan ajaaniibta ah oo muddo si sharci darro ah kaga Kalluumeysanayay badaha Soomaaliya.

Dambiilayaashan oo kasoo kala jeeda dalalka Iiraan iyo Pakistan ayay Maxkamaddu ku xukuntay inay bixiyaan midkiiba lacag 11 kun oo dollar oo ganaax ah, 30 kun oo dollar oo magdhow kalluunkii ay Soomaaliya ka qaateen ah, doomahii iyo qalabkii kalluumeysi ee saarnaa iyo sidoo kale kalluuunkii lagu soo qabtay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here