DHUUSAMAREEB, Soomaaliya — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo lagu qabanayo Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya (Country Humanitarian Forum – CHF).
Wafdiga SoDMA waxaa magaalada ku soo dhaweeyay wasiirro ka tirsan Galmudug, mas’uuliyiin ka socday maamulka gobolka iyo degmada Dhuusamareeb iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Shirka ayaa si rasmi ah u furmaya 26-ka Nofeembar 2026, waxaana ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka socda dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, hay’adaha samafalka iyo bah-wadaagta arrimaha bani’aadanimada.
Madasha sanadkan ayaa halku-dhiggeedu yahay “U Diyaargarowga Musiibooyinka iyo Dhisidda u Adkeysiga, Xoojinta Gurmadka, Sugnaanta Biyaha iyo La-qabsiga Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya”.
Ajandaha shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda bani’aadanimada ee Soomaaliya, diyaar-garowga iyo wax ka qabashada musiibooyinka, sugnaanta biyaha iyo xoojinta awoodda bulshada ee la tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada.
Kulanka ayaa sidoo kale fursad u noqonaya dowladda, dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha samafalka inay ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda gurmadka bani’aadanimada, gaar ahaan xilliyada ay dalka ka dhacaan abaaro, fatahaado iyo musiibooyin kale.
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyay madaxda iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, isagoo sidoo kale bogaadiyay doorka maamulka Galmudug ee martigelinta iyo qabanqaabada shirka.
Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli ay muhiim tahay in la xoojiyo diyaar-garowga musiibooyinka, sugnaanta biyaha iyo awoodda hay’adaha dowladda iyo bulshada ee ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.



