Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya oo ku dagaalamay Jubbada Hoose

0

KISMAAYO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay saacadihii lasoo dhaafay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ku leeyihiin duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada Kenya ee ku sugnaa saldhigga la beegsaday oo ku yaalla deegaanka Qooqaani ee gobolkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is-weydaarsanayeen labada dhinac, waxayna intaasi ku dareen in aysan sheegi karin khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka.

Weli wax ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac, balse xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, sida ay sheegayaan wararkii u dambeeyey ee laga helayo gobolka Jubbada Hoose.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro dhaliya  khasaare kala duwan ka geysta gobollada Jubbooyinka ee hoostaga dowlad goboleedka Jubbaland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here