Midowga Afrika oo war cusub kasoo saaray xaaladda Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa soo dhoweeyay shir-madaxeedka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan heshiiska looga gaaray dhameystirka doorashada.

Gudoomiyaha ayaa ku dhiirri galiyay golaha wadatashiga  in la soo gebagebeeyo doorashooyinka Aqalka Hoose, si daah-furan ugu dambayn 25ka Febraayo, iyadoo si buuxda loo ixtiraamayo heshiisyada 17ka Sebtember 2020, May 27 2021 iyo habraaca doorashada 01 Oktoobar 2020 iyo Ogosto 24, 2021.

Moussa Faki wuxuu ku celiyay mowqifka AU-da ee ah in doorasho lagu kalsoonaan karo ay tahay tallaabo muhim ah oo lagama maarmaan u ah nabad waarta oo ka dhalata Soomaaliya.

“Waxaan ku boorrinayaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay is-xakameeyaan oo ay horumariyaan wada-xaajood siyaasadeed oo is-dhexgal ah oo ku aaddan xasilloonida siyaasadeed,” ayuu yiri Moussa Faki.

Midowga Afrika ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu sare u qaado taageerada dhammaan dadaallada ka socda, taasoo uu sheegay in ay keeni doonta nabad, horumar iyo barwaaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here