Al-Shabaab oo war ka soo saartay dagaallo ka dhacay gobolka Mudug

0

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa guullo ka sheegtay dagaallo saacadihii lasoo dhaafay ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay kula galeen koonfurta gobolka Mudug.

War rasmi ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo looga hadlay dagaalladaasi ayaa waxaa lagu sheegay inay ku dileen ugu yaraan 30 askari oo saraakiil ay ka mid yihiin, sidoo kalena ay ku dhaawaceen tobaneeyo kale oo ka tirsan ciidanka huwanta, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay inay nolosha ku qabatay taliyihii ciidamada baddda ee dowlad goboleedka Galmudug, kaas oo ay magaciisa ku sheegeen Xirsi Cali Shire.

Qoraalka ay Al-Shabaab soo saareen ayaa intaasi kusii daraya inay dagaallladani ku qabsadeen hub iyo sidoo kale gaadiid dagaa intaba.

Dhankeeda Galmudug ayaa guullo ka sheegatay dagaalladan, waxayna shaacisay inay khasaare lixaad leh ku gaariisay dagaalayahanada Al-Shabaab.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa dhaq-dhaqaaqyo culus ay ka socdeen deegaano dhaca koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here