Maxay isku hayaan xubnaha guddiga doorashooyinka dalka?

0

Waxaa soo shaac baxay khilaaf ka dhex abuurmay guddiga hirgalinta doorashada heer federaal, kadib markii ay isku qabteen habraaca doorashada xubnaha golaha shacabka.

Guddiga ayaa Talaadadii soo saaray habraac ka kooban 10 bog oo uu uga hadlay hannaanka loo marayo doorashada xildhibaannada 275 ah ee golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Qodobada ugu muhiimsan habraaca khilaafka dhaliyay waxaa kamid ah in guddiga xulidda ergada doorashada ay noqdaan odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka oo meesha laga saaro kaalinta madaxda maamul goboleedyada.

Qaar kamid ah guddiga ayaa ku gaca-sayray habraaca, iyadoo ku tilmaamay in aan laga tashan.

Siciid Abshir oo ka mid ah xubna diidan qaabka loo faafiyey habraaca doorashada ayaa sheegay in qaar kamid ah xubnaha guddiga ay ku maqnaayeen Garowe iyo Baydhabo isla markaana aan laga talo-gelin habraaca.

“Ma diidanin habraaca ee waxaan diiddanahay in habraac aan waqtigiisa joogin si khaldan loo soo gudbiyo. Marka inaan sugno shirka uu ra’iisal wasaaraha magacaabay oo aan ku shaqeyno habraaca ka soo baxay waa wixii guddiga loo sameeyay,” ayuu yiri Siciid Abshir.

Guddoonka guddiga ayaan weli ka hadlin dhaliisha uga timid habraaca uu soo saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here