Al-Shabaab oo ka hadashay weerarka ay Xamaas ku qaaday Israel

0

MUQDISHO (SMN) – Al-Shabaab ayaa soo saartay bayaan Af Carabi ku qoran, oo ay ku taageertay weerarka ay Xamaas Sabtidii ku qaaday Israel, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur aad u badan.

 

Waxa ay ku tilmaamtay Al-Shabaab weerarka mid barakeysan oo lagu difaacayo dhulka Falastiin iyo Masjidka Al-Aqsa oo Yahuuda ka wado dhibaatooyin iyo xadgudubyo joogto ahaa mudo ka badan 50 sano.

Bayaanka Al-Shabaab ayaa loogu hambalyeeyay Xamaas, waxayna guusha ay gaartay sheegtay inay tahay mid usoo hoyatay dhammaan Muslimta caalamka.

“Haddii aan waddo idiin heli lahayn, idinkama dib dhici lahayn inaan idiin imaano, laakiin waxaad ku halgamaysaan dhulka Falastiin, anagana waxaana ka dagaalamaynaa dhulka Bariga Afrika, Si kastaba ha ahaatee, sidaas ayaa lagu yiri bayaanka kooxda Al-Shabaab.

Waxay sidoo kale Al-Shabaab xustay in cadowga Falastiin uu yahay cadowga Muslimiinta oo dhan, loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto.

“Cadowgeena iyo cadowgaagu waa mid. Waxay isu uruursadeen inay ummadda Islaamka ka horyimaadaan, waxayna isu bahaysteen inay dhibaato u gaystaan ​​shucuubta Muslimiinta bari, galbeed, Koonfur iyo Waqooyiba.” ayaa mar kale bayaanka Al-Shabaab lagu yiri.

Waxa ay tilmaantay Al-Shabaab in weerarka Xamaas uu banaanka soo dhigay daciifnimada iyo dayaca Israel, sidoo kalena uu caalamka tusay in Yahuuda laga adkaan karo, oo ay been noqotay awooddii ay ku faani jirtay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Al-Shabaab taageero u muujiso shacabka Falastiin, sanadkii 2019 markii Trump u aqoonsaday Qudus caasimada Israel, Al-Shabaab ayaa weerar arrintaas uga jawaabayso ku qaaday Dusit Hotel oo Nairobi ku yaalla, saldhigyo Mareykanka ku leeyahay Manda Bay oo Kenya ka tirsan iyo Beledoogle sanadkii 2020.

Ururada kale ee la midka ah Al-Shabaab ee ay ka wada tiran yihiin Al-Qaacida ayaa u dabaal degay weerarka Xamaas ay ku qaaday Israel kaas oo looga dilay in ka badan 1,200 oo qof oo ku dhawaad 200 ay askari yihiin, halka boqolaal la qafaashay, kuwaasoo maxaabiis ku ah magaalada Gaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here